Al shabaab ayaa war kasoo saartay Qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta barqanimadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.


War lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha afka Xarakada Al shabaab ayaa lagu faah faahiyay qarax khasaare geystay oo maanta ka dhacay Nawaaxiga Taalada daljirka daahsoon.


“Xubno naga tirsanaa ayaa Weerar Ismiidaamin ah la beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil,xildhibaanno iyo madax katirsan dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada, kuwaa oo dhimasho iyo dhaawac noqday” ayaa lagu yiri warka Al shabaab.


dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay qaraxa ka dhacay muqdisho iney ku dhinteen dad Shacab ahaa oo Sooman, kuwaa oo aan waxba galabsan.


Wali lama hayo khasaare rasmi ah oo ku saabsan qaraxaasi.