Qarax gaari lagu xiray ayaa goordhaw ka dhacay Xaafada Kaawo godeey degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay in qarax gaarigiisa loogu dhajiyay Arwaax oo oo kamid ahaa Shaqaalaha Xarunta degmada dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

“Arwaax oo katirsan Shaqalaha Xarunta degmada dharkeenleey ayaa ka bad baaday Qarax gaarigiisa loogu Xiray” ayuu yiri Sarkaalka

Dhanka kale Kooxo hubeysan ayaa caawa agagaarka Daarta Xaaji Gaabow ee Degmada dharkeenley ku dilay 2 ruux oo Ganacsato ahaa, kuwaa oo lagu kala magacaabi jiray Aamino gurxan Iyo Asad.

Maaamulka degmada wali faah faahin dhameystiran kama bixin Falalkaasi kala duwan ee caawa ka dhacay degmadaaasi.