Waxaa saakay xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee dhax mara magaalada caaasimada ah ee Muqdisho.

Shacabka Muqdisho ayaa Saakay ku waabariistay, iyadoo ciidamo fara badan lasoo tubay Isgoysyada KPP, Tarbuubka, Wadada Maka Al-Mukarama, Jidka Wadnaha iyo qeybo kamid ah Wadada 30-ka, kuwaa oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gadiidka.

Xubin katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa Kalsantv u sheegay sababa ugu badan ee Saakay loo xiray inta badan wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka gadiidka PL-lada iyo kuwa raaxada iney tahay Aas qaran oo loogu sameynayo madax katirsanaa dowladda.

Qarax ka dhacay shalay Muqdisho ayaaa waxuu galaaftay nolasha Saraakiil, Wasiir hore iyo Tobaneeyo ciidamo katirsanaa xooga dalka.

Saraakiishii shalay ku dhintay qarax ka dhacay Taalada daljirka ayaa waxaa kamid aheyd Faay cali iyo Seygeda iyo 10 askari oo gaariga la saarnaa, sido kale dadka dhintay waxaa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda dowladdii KMG aheyd ee AHUN C/llaahi Yuusuf Axmed, iyo Xubno kale oo katirsanaa dowladda dhaxe ee Somaaliya.

Aaska qaran ee loo sameynayo Xubnahaasi ayaa waxaa ka qeyb gali doono madax katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana lagu aasayaa Marxuumiintaasi qabuuro ku yaala Wasaarada Gaashaandhiga.