Wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday dhammaan mas’uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan isagoo magacaabay  mas’uuliyiin kale.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Amniga Axmed Inji iyo xubno kale oo ka mid ah maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cumar Aadan Ibraahim oo loo yaqaan Cumar Baadiyow oo hore xilal uga soo qabtay maamulka gobolka Hiiraan.

Maamulka haatan xilka laga qaaday ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee uu magacaabo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Cosoble. Hase yeeshee lama oga ilaa hadda Sababta keentay in la kala diro maamulka gobolka Hiiraan.

Related posts:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *