Faaah faahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay oo lagu qaaday ilaalada Taliyaha Ciidamada Booliska maamul gobaleedka Puntland.

Inta la Xaqiijiyay saddex askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso.

Goobjooge ku sugan gobalka bari gaar ahaan bartamaha magaalada Boosaaso oo uu weerarka ka dhacay ayaa Kalsantv u sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qadeen ciidamo ku guda jiray howlgal.

“Hal askari wuu dhintay laba kalena waa dhawac, kadib markii weerar gaadmo ahaa lagu qaaday ciidamo howlgal ka waday bartamaha magaalada boosaaso ee gobalka bari” ayuu yiri goobjoogaha.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray Ciidamo howlgal ku jiray oo kamid ahaa kuwa ilaalada Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo saakay magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid dagan, balse Isgoysyada qaar ee magaalada lagu arkayo ciidamo dheeri ah oo amaanka sugaya.