Ciidamada Galmudug ayaa wali howlgalo xoogan ka wada Xalay ilaa Saakay degmada Guriceel iyo deegaano hoos yimaada.

Sarkaal katirsan Sirdoonka Galmudug ayaa sheegay inuu socdo baadi goobka rag badan oo la tuhunsan yahay iney ka fududeeyeen Nin is soo miidaamiyay oo Shalay isku qarxin lahaa degmada Guriceel.

“Ciidamada amaanka ayaa saakay degmooyinka Guriceel Iyo Dhuusamareeb ku xir xiray Shaqsiyaad lala xiriirinaayo iney xiriir la leeyihiin Qarax shalay la Fashiliyay” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Warar hoose oo Kalsantv ay heleyso ayaa sheegaya Shaqsiga Qaraxa lagu qabtey inuu ka yimid dhowaan dagmada Xudur, kadibna laga soo gudbiyey Ceelbuur oo Al lshabaab ay maamulaan, sidaana dad howsha la fududeynayay ay Guriceel kusoo gaarsiiyeen.

Ciidamada Ahlu Suna ayaa Shalay gacanta ku dhigay nin doonayay inuu isku qarxiyo Munaasabad lagu xusayay Askar badan oo Ahlu suna looga dilay dagaalo qaraar oo Al shabaab ay la galeen.