Raisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday iney is casishay kadib markii ay ku guul dareysatay qorshe UK uga baxi laheyd Midowga yurub.

Theresa May ayaa 3 mar ku Fashilantay iney UK ka baxdo EU-da.

“Markii aan xilka qabtay qorshahaygu wuxuu ahaa inaan meel mariyo Aftidii shacabka ee sanadkii 2016 ugu codeeyeen inay ka baxaan EU-da, balse dadaal dheer kadib waan ku guuleysan waayay in heshiisyadii aan soo diyaariyay ka ansixiyo Baarlamaanka” ayey tiri

Raisul Wasaare Theresa May ayaa xilka ka degi doonta 7 bisha June, iyadoo Xisbigeeda soo dooran doonaan qofkii bedeli lahaa.

Hogaanka Yurub ayaa dhamaadka bisha Oktoober ee sanadkan siiyay Madaxda Uk iney isaga baxaan gaashaan buurta EU-da.