Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Gaadhi Nooho ah oo caawa 7 Qof Ku Jiiray Gudaha Magaalada laascaanood.

Sarkaal katirsan ciidamada Booliska Laascaanood ayaa Warbaahinta u sheegay in lagu daba jiro gaari dad badan ku jiiray magaalada oo baxsaday, balse booliska dhawaan war kasoo saari doonaan.

“Gaari raaxo ah ayaa dad badan ku jiiray Laascaanood, dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray 7 ruux” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhaawacyada dadkaasi lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood.

Wali wax war ah kama soo bixin maaamulka Magaalada.