Wararka ka imaanaya deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya inuu xalay halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Al shabaab ay Weerar dhowr jiho ahaa ku qaadeen Saldhig ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka Degmada Afmadoow.

Inta la Xaqiijiyay 5 qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday oo ahaa labadii dhinac ee dagaalka xoogan Xalay dhax maray.

Saraakiisha Jubbaland ayaa Warbaabinta u sheegay iney iska caabiyeen ama ka hor tageen Weerar xoogan oo xalay kaga yimid dhanka iyo Xoogaga Al shabaab ee ka dagaalama gobalkaasi.

“Weerar ayaa nagu soo qaadeen waan iska caabinay khasaare waa uu jiraa, balse ma Xaqiijin karno” ayuu yiri sarkaal u hadlay Jubbaland.

Wali majirto war rasmi ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland ama kuwa dagaalyahanada Al shabaab oo dagaalka xalay la xiriira.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa Sheegaya in dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo degmada Afmadoow oo u dhaw deegaanka Bilis Qooqaani oo xalay ka dhacay dagaaal khasaare geystay.