Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa ka hor yimid habraaca Sharciga Doorashooyinka maamul gobaleedyada Soomaaliya.
Dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaadacay go’aan maalintii shalay ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha gudaha Soomaaliya oo la xiriiray habraaca Sharciga doorashooyinka dowladd goboleedyada dalka.
Mudane Burhaan Maxamed Samatar Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa sheegay in aan lagala tashan Warqadda ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Galmudug.
Dhanka kale Maamulka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay soo bandhigtay dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya
