Kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay iney katirsan yihiin Xarakada Al shabaab ayaa weerar loo adeegsaday Bamgacmeed ku weeraray Hoyga maareeyaha Garoonka diyaaaradaha magaalada Baardheere.

Inta la Xaqiijiyay 2 askari ayaa dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka lagu qaaday hoyga daqare Maxamed Xirsi maareeyaha Garoonka diyaaaradaha Baardheere ee gobalka Gedo.

Maamulka degmada Baardheere oo Xiriiro aynu la sameynay ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah ka bixiyaan khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Mas’uul katirsan maamulka.

Wararkii ugu dambeyay ayaa sheegaya in laga yaabo dhaawacyada labada askari in loosoo qaado magaalada Muqdisho, maadaama uu yahay dhaawaca soo haaray askartaaasi mid culus oo halis badan.

Majirto ilaa hada cid Sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi.