Bayaan kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa sheegay iney ka xun yihiin khariirad lagu soo daabacay bogga Wasaaradda oo laga saaray Map-ka Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in lagu soo war galiyay macluumaadka la xiriira qariirada qaldan, markii macluumaadkaas uu soo gaarayna ay ka saareen mapkaasi bogga Wasaaradda.

Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu soo bandhigay Sawir muran badan dhaliyay oo ka tarjumaya qariirada Afrika oo gabi ahaan laga saaray Mapka Soomaaliya.

Baraha bulshada gaar ahaan kuwa Soomaalida isticmaasho ayaa waxaa aad looga hadal hayaa Sawirka ka tarjumaya Qariirada Afrika ee laga saaray ama la tir tiray Map-ka Soomaaliya ee caanka ahaa