War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegtay Mas’uuliyada Nabadoono lagu Toogtay magaalada Muqdisho.

Warbixin lagu daabacay Warbaahinta afka Al shabaab ayaa lagu sheegay in xoogag hubeysan oo katirsan Shabaab ay xaafadda Suuq Liif ku dileen mid kamida Ergadii xildhibaan baarlamaanka dowladda kasoo xulay dhanka maamul gobaleedka Koofur Galbeed.

“Xuseen Maadeey oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay shirarkii xildhibaannada lagusoo xulay, ayaa Ciidamo naga tirsan ku dileen degmada Dharkeynle” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al shabaab.

Dhanka kale Al shabaab ayaa war kasoo saaray Toogasho 2-aad oo ka dhacday degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Rag katirsan Al shabaab ayaa Nabadoon Ibraahim Cariif ku dilay Xaafada Juungal degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Al shabaab ayaa Sheegay Nabadoonka inuu kamid ahaa Ergadii xildhibaannada Baarlamaanka kasoo xushay dhanka Hirshabeele.

Wali Majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulada degmooyinka Dharkeenley & Yaaqshid oo ku saabsan Nabadoonadaasi la dilay.