Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen 2 wariye oo ka shaqeynayay Idaacadda ku hadasha Afka Alshabaab ee Andaluus kuwaa oo jiifay Masjid ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Eng Yariisoow ayaa Bogga uu ku leeyahay baraha bulashada waxuu ku baahiyay sawiradda iyo qoraal uu kaga hadlayo ragaasi.

“mar aan booqanay xarunta 991 ee Booliiska waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay kuwa shacabka waxyeelo u geysan lahaa. Labo wariye oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey laga soo qabtay halkaas”, ayuu yiri gudoomiyaha gobalka Banaadir.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al shabaab oo lagu Xaqiijinayo Xubnaha la qabtay iney yihiin Wariyaal Shabaab.