Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Holland ay si rasmi ah u aqoonsatay in dalkeeda lagu geli karo Baasaboorka Soomaaliga.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu safiirka bartiisa ku qoray.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ay Soomaaliya la leedahay dalalka Caalamka.