Warar dheeraad ah ayaa saakay laga helayaa Weerar bam gacmeed loo adeegsaday oo xalay lagu weeraray Xerada Jenaraal Gordan.

Wararka saakay laga helayo Xeradii Saraakiisha dalka Imaaraadka maamuli jireen ee hada lagu tababaro ciidamada Xooga dalka ayaa kusoo waramaya in ciidamada Saakay banaanka ay usoo saareen Gadiid dagaal iyo ciidamo aad u fara badan oo amaanka sugaya.

Xalay ayaa Xerada Jenaraal Gordan lagu qaaday Weerar geystay dhaawacyada ilaa 4 askari oo katirsanaa Ilaalada Xeradaasi.

Sarkaal katirsan Militaryga Soomaaliya ayaa Sheegay Saakay aroor hore in ciidamada baaritaano ka sameeyeen Xaafadaha ku teedsan Xerada Xalay lagu Weeraray Bamgacmeedka khasaaraha sabaabay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa Sheegaya in saakay ciidamada baaritaano xoogan ay marsiinayaan Gadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada ee isticmaala wadada hor marta Xerada Jenaraal Gordan.