Dowladda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku xayirtay Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudug.
Gudoomiye Cali Gacal Casir iyo Xubno kale oo la socday ayaa caawa lagu xayiray garoonka diyaradaha dalka Kenya.
Saraakiisha socdaalka Kenya ayaa sheegay in gudomiyaha iyo xubnaha la socdo bari loosoo musaafurin doono muqdisho.
Dowladda Kenya ayaa mar kale ku dhaqaaqeysa talaabo caro galineysa dowladda dhaxe, maadaama horay Wasiir ku xigeen iyo Xildhibaano loo diiday iney gudaha u galaan Kenya, caawana Masuul katirsan kuwa maamul gobaleedka loo diiday Visaha dal ku galka.