Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya Dab kakacay goob ganacsi oo ku taalla wadada Maka Almukarama ee Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa ku faafay Dhismayaasha ku dhagan goobta gubatay oo ku taalla kasoo horjeedka Immigration-ka ee wadada shaqaalaha, sida dadka deegaanka ay Xaqiijiyeen.

Gadiidka dab damiska maamulka gobalka Banaadir iyo kuwa Shirkadaha Isgaarsiinta gobalka ayaa gaaray kuwaa oo ku guuleystay baqtiijinta (daminta) dabkaasi ka kacay goobaha ganacsi.

Maamulka gobalka Banaadir ama Booliska Soomaaliya wali kama hadlin Khasaaraha uu geystay dabkaasi kacay Saqdhaxe xalay.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa sheegay dabka inuu ka dhashay Koronto, walo aysan jirin Mas’uul arintaasi Xaqiijiyay.