Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa xalay Weerar ku qaaday deegaanka Garas Baaleey ee duleedka Magalada Muqdisho.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda ayaa Kalsantv u sheegay in Weerar mudo socday lagu soo qaaday Xarunta maamulka deegaanka Garas baaleey oo duleedka kaga beegan caasimada Soomaaliya.

“Rag hubeysan ayaa Weerar ku qaaday Xarunta deegaanka Garas baaleey, wey iska caabiyeen ilaaalada Xarunta, waxaa jira dhawacyo soo gaaray ciidamo katirsan Ilaalada Xarunta” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Warar hoose oo Kalsantv heyleyso ayaa sheegay markii uu dagaalka xoogeystay Ciidamo katirsan Taliska Asluubta la amray iney gurmad ahaan u gaaraan Ilaalada Xarunta weerarka xalay lagu qaaday.

Maamulka deegaanka Garasbaaleey oo Xiriro aynu la sameynay ayaa Sheegay in Kooxdii weerarka soo qaaday ay u jiheysteen dhanka Degeaan weynaha Ceelasha biyaha, iyagana ay ku raad joogaan.

Wali majirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weerarkaasi.