War kasoo baxay ciidamada AMISOM ayaa looga hadlay qabashada laba dagaalame oo katirsan Al shabaab, kuwaa oo miino ku aasayay inta u dhaxeysa Wanllaweyn iyo Balli Doogle.
Bayaanka kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in labadaasi ruux ay ka tirsan yihiin Al shabaab, loona gudbiyay saldhiga ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa gaarka Mareykanka ay ku leeyihiin gobalka shabeelaha hoose Soomaaliya.
“Markii Miinada laga saarayay goobta waxaa ragga la qabtay la geeyay meel goobta u jirta 500M kaddib ayaana laga saaray miinada,raggii la qabtayna waxaa loo dhaadhiciyay Saldhiga Balli doogle si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.
Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan ragaasi la sheegay iney katirsanayeen Shabaabka qaabilsan kuwa miinooyinka dhulka ku aasa ee gacanta lagu dhigay.
Al shabaab ayaa inta badan weerara ku qaada saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaano iyo degmooyin katirsan gobalada dalka Soomaaliya.