Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Abdi ayaa ka hadlay Xiisad la sheegay iney ka taagan tahay Ex Afgooye ee Muqdisho.
“Arimaha dhulalka danta guud oo ay dowladdu leedahay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaan ku baaqayaa marka dowladdu usoo baahato in Guddiga loo xilsaaray ay si nabad ah, dhimrin leh u wajahaan oo marwalba wadada nabadda loo maro oo uusan dhiig ku daadan. Gaar ahaan xasaradda ka taagan soonaha jaamacaddaha ilaa iyo Ex-kontorool Afgooye oo galabta shaqaaqo ka dhacday” ayuu yiri Ex gudoomiyihii hore ee gobalka banaadir.
Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhanka kale dowladda uga dhigay in xiligan oo lagu guda jiro Bisha Ramadaan 10-keeda dambo iney dhiig ka daadiso Shacabka.
“Waxaa lagu jiraa dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadan waana laga fiican yahay in dad shacab ah ku barakacaan dagaal dhiig ku daato, anigoo hubo in arrintaas wadahadal lagu dhameyn karo”
“Waxaan ku baaqayaa in waanwaan wax lagu xaliyo, la iskuna turo maadama aanan sinna la isku huridoonin” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xiisad dagaal ama saan saan colaadeed ayaa laga dareemayaa Xaafada Jaamacadaha ilaa Ex Afgooye oo ay dagan yihiin dad danyar oo u badan Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Ilmo ay dhaleyn.
Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa la sheegay iney shacabka halkaasi dagan ku war galiyeen iney dhawaan halkaasi baneyn dooonaan, waxaana arintaasi ka hor imaaday dadka deegaanka.
Xaafadaha Jaamacadaha ayaa noqotay mid ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo farabadan oo sheegay inay la dagaalami doonaan cid kasta oo isku dayda inay xoog shacabka halkaasi uga saarto.
Wali dowladda Somaaliya war cad kama soo saarin arintaasi.