Saraakiisha ciidamada Xooga ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Xubin Al shabaab katirsanaa mudo 10 Sano aheyd.

Taliyaha guutada 11aad qeybta 43aad ee ciidamada dowladda ee la howlgala Jubbooyinka Maxamed Beddel Xasan ayaa warbaahinta u sheegay dagaalamahan is soo dhiibay Shabaab inuu u qaabilsanaa dhanka xog aruurinta ama Sirdoonka Al shabaab.

“Magaciisa waaa Ibraahim Lujeende Maxamed Al shabaab ayuu mudo ka bar bar dagalamayay, waxuu iska dhiibay Saldhiga ciidamada xooga ee Baarsanguuni” ayuu yiri Taliyaha guugada 11aad.

Dhanka kale Askarigan katirsanaa Al shabaab ayaa sheegay inuu la kulmah weerar kaga yimid dhanka Shabaab, balse uu ka badbaaday.

Wali Al shabaab kama hadlin is dhiibitaabka Ibraahim Lujeende Maxamed, inuu katirsanaa ama lagu beeninaayo warkaas.