Ciidamo katirsan dowladda oo watay gaari Cabdi bile ah ayaa qof rayid ahaa ku dilay deegaanka weedow ee duleedka Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Sheegay in Ruuxa la dilay ilaa hada aan la garan heybtiisa uuna yaalo duleedka Muqdisho.

“Ciidamo gaari ciidan watay ayaa ka dambeeyay Toogashada ninkan Sawirkiisa aad baraha bulshada ku aragtaan, anaga ma naqaano sababta loo dilay lakin qof shacab ayuu ahaa” ayuu yiri Goobjooge.

Shacab tiro badan ayaa ku xoomay halka uu yaalo Meydka ninkaasi ay dileen ciidamo katirsan kuwa Xooga Soomaaliyeed.

Xiriiro kala duwan aynu la sameynay Saraakiil katirsan ciidamada dowladda ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan falkaasi.

Waxii kusoo kordha kala Soco Kalsantv.com