Dab khasaare hantiyadeed geystay ayaa xalay ka kacay Xaafada Gubta Ciise cabdi degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa Kalsantv u Sheegay xalay abaaro fiidkii hore ee inuu dab ka kacay guri ku yaala Xaafada gubta, kaasi oo markii dambe ay ku guuleysteen baqtiijintiisa dab damisyada Shirkada Hormuud.

Wararka qaar ayaa sheegaya dabkaasi inuu ka dhashay koronto.

Taliyaha booliska degmada Dayniile ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay inuu dabkaasi gabi ahaanbo bas beeliyay guri ku yaala halkaasi.

“Xalay fiid hore ayuu kacay, dab xoogan ayuu ahaa ilaa xalay Saqhaxe waxaa la tacaaleynay sidii loo baqtiijij lahaa” ayuu yiri taliyaha.

Ilaa hada majirto khasaare nafeed oo la Xaqiijiyay inuu geystay dabkaasi, balse waxa uu geystay khasaare hantiyadeed oo fara badan.

Mararka qaar waxaa ka dhaca oo mudooyinkan kusoo badanayay magaalada Muqdisho, dabka ka dhasha korontada ee inta badan geystay khasaaro hantiyadeed oo u badan hantida gurigaasi taala.