Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Maleeshiyaad hubeysan oo la aaminsan yahay iney katirsan yihiin kooxda Macawiisleeyda oo weerar gaadmo ahaa ku qaaday Xoogag katirsan Al shabaab.

Kooxdan maleeshiyaadka ah ayaa weeraray deegaanka Halgan oo14 KM u jira magaalada Beledweyne, oo ay maamulaan Al shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya Weerarka lagu qaaday Al Shabaab inuu yimid kadib markii Maleeshiyaadkaasi hubeysan ay ka war heleen in deegaanka halgan la geeyay Xoolo, Ciidamada Shabaab ay kasoo aruuriyeen qaab Zakawaad ahaan dadka ku dhaqan deegaanadaasi.

Sarkaal u hadlay Maleeshiyaadkaasi ayaa sheegay in Al shabaab ay kasoo furteen (kasoo wateen) Boqolaalo Xoolo ah oo laguhayay, deegaanka Halgan oo ku dhow magaalada Beledweyne.

Wali wax war ah kama soo bixin Al shabaab oo la xiriira in laga furtay Xoolihii shacabka qaab Zakawaad ahaan ay ugu aruuriyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xoogaga Al shabaab saakay dhaqdhaqaaq xoogan ay ka wadaan deegaanka Halgan iyo tuulooyin kale oo ku hareereeraan oo ay gacanta ku hayaan.

Wixii kusoo kordha kala Soco Kalsantv.com