Kenya oo maanta Maxkamad soo taagtay ibraahim Bursaliid oo lagu eedeeyey inuu heyso Baasaboor Djibouti ah iyo 3 dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan heysta Baasaboorka dalka Kenya.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee la dagaalama Argagaxisada ayaa laba habeen ka hor guryahooda kala baxay, Aqoonyahan Dr Ibraahim faarax Bursaliid, iyo Ibraahim Qaasim Faarax, Maxamuud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed iyo Xuseen Xasan Muhammud oo looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin arimo Argagaxiso.

Xaakimka Maxkamadda Milimani Court ee Nairobi ayaa Amray in Afar maalin oo kale lagu hayo Xabsiga, si baaritaanno kale loogu sameeyo.

Dowladda Kenya ayaa Aqoonyahan Ibraahim faarax Bursaliid ku eedeysay inuu heysto ilaa Saddex dal Aqoonsiyadooda.

Dr Ibrahim Farax Bursaliid waa aqoonyahan Somaliyeed kana faalooda arimaha Somaliyeed iyo kuwq geeska Afrika