Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa xalay abaaro 3:00 habeenimoku dilay Isgoyska dabka Cabdiwahaab Aadan oo ahaa Isbatoore dacwadaha ka qora saldhigga degmada Waaberi.


Saraakiil katirsan dowladda ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Marxuumka la dilay uu waday gaari, waxaana istaajiyay gaariga uu waday Marxuumka Askari kamid ahaa ilaalada Isgoyska dabka, kaas oo markii dambe ku riday xabad sababtay inuu u geeriyoodo Isbatooraha.


Dhacdada oo dhacday Xili dambe oo xalay aheyd ayaa sahashay inuu baxsado askariga dilka geystay oo ilaa hada aysan jirin cid gacanta kusoo dhigtay gacan ku dhiiglaha.


Ehelada marxuumka la dilay ayaa Kalsantv u sheegay ineysan aasi doonin askariga la dilay ilaa gacanta lagu soo dhigo askarigii dilka ka dambeeyay oo baxsaday.


Warar hoose oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in mar hore dil looga hanjabay Madaxii baarista danbiyada ee Saldhigga Waaber ee xalay Saqdhaxe lagu dilay magaalada Muqdisho.