Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo taabacsan Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf dabageed oo caawa la wareegay inta badan baraha koontarool lee laga soo galo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ciidamo oo la sheegay qaarkood iney ku heyb yihiin oo ay ka caroodeen Xilka qaadis uu saakay ku sameeyay Madaxweynaa Hirshabeelle oo ku maqan dibada Gudoomiyihii G/Hiiraan.
Dhanka kale Ciidamada caawa la wareegay baraha koontarool ee laga soo galo magaalada, ayaa sido kale la wareegay Xafiiska maaliyada gobalka uu ku leeyahay magaalada Baladweyne.
Banaanbax xoogan ayaa sido kale maanta ka dhacay magaalada Baladweyne oo looga soo horjeedo xilka qaadista Godoomiyihii gobalka.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiisada caawa ay tahay mid kacsan, maadama magaalada gudaheeda lagu arkayo ciidamo fara badan oo taageero iyo isku heyb ay yihiin Yuusud dabageed.