Dowladda Ingariiska ayaa xarigga ka jartay saldhig Military oo lagu tababarayo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamul Goboleedyada ka dhisan dalka.

Mas’uuliyiin iyo Saraakiil katirsan UK ayaa goob joog ka ahaa Xarun magaalada Baydhabo laga furay oo lagu tababari doono ciidamada Xooga, sida lagu yiri war kasoo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho.

Xafiiska Uk ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday Saldhigaasi ciidan inuu dowladda ka caawin doono tababarada ciidamada iyo ka hor taga Weerarada Al shabaab eee gudaha Soomaaliya.

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababari karaa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamada.

Saraakiil Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed tan iyo ilaa 2017-dii,iyagoo bixinayay tababarro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada.

Dowladdo badan oo caalami ah ayaa Saldhigyo Military ku leh Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya, waxaa kamid ah Turkiga, Imaaraadka, Taliyaaniga, Uk iyo Dowladda Mareykanka.