Wararka laga helayo duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu arkay Meydka Wiil dhalinyaro ahaa.

Mid kamid ah Dadka deegaanka oo la hadlay Kalsantv ayaa sheegay inuu indhihiisa kusoo arkay Meydka wiil dhalinyaro ahaa oo jirkiisa ay ku yeeleen Rasaas loo badinaayo iney tahay midii lagu dilay Marxuumka.

Sarkaal katirsan ciidamada Xooga ayaa Warbaahinta u sheegay in Wiilka dhalinyarada ahaa Rasaasta jirkiisa ka muuqato ay tahay mid laga riday Bastoolad, ayna ka dambeeyeen dikiisa koox hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Ilaa hada majirto cid sheegatay Mas’uuliyada dika Wiilkaasi, ama garatay heybtiisa waxa uu ahaa.

Wixii kusoo kordha kala soco Kalsantv.com