Shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Magaalada Beledweyne Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayuu kaga hadalay arimo badan oo quseeya xilka qaadistiisa.


Gudoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in magacaabistiisii Gobolka Hiiraan ay ku timid heshiis dowladda Soomaaliya iyo Hirshabeelle dhexmaray haddana uu xilka wareejinayo haddii ay dowladda dhaxe ay ku taliso.


Xiisad ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiye dabgeed ayaa shalay ilaa xalay ka taagneyd gudaha magaalada, Xili xalay Ciidamo ku heyb ah dabageed oo ka carooday Xilka qaadistiisa ay la wareegeen Xarunta Maaliyada iyo qeymo kamid ah baraha Koontarool ee ciidamada.


Wali wax war ah kama soo bixin Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku saabsan, diidista dabageed ee uu diiday inuu wareejiyo xilka ilaa laga soo fara galiyo xiisada Hiiraan.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sido kale sheegaya in gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne laga dareemayo xiisad kacsanaan ah oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan gudoomiyaha xilka laga qaaday iyo qaar kamid ah ciidamada maamulka Hirshabeelle.