Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay Al shabaab dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada Uganda ee leeyihiin agagaarka Buundada Qoryooleey,

mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay dagaal in mudda ah socday oo u dhaxeeyay Al shabaab iyo Amisom.

maamulka degmada Qoryooleey oo Xiriiro aynu la sameynay ayaa sheegay iney iska caabiyeen Weerar kaga yimid Al shabaab.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa guulo looga Sheegtay Weerarkaasi, lagu qaaday ciidamada Amisom ee ku sugan Qoryooleey.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa xooga Soomaaliya ay howlgalo ka sameeyeen deegaano hoos yimaada magaalada Qoryooleey oo ay joogaan Al shabaab