Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Kooxo hubeysan oo Darawal mooto bajaaj ku dilay Isgoyska Ex-control Afgooye.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay iney ahayeen burcad habeenkii dadka Rayidka ah ka dhaca moobeelada ay wataan.

Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa ka sheekeeyay dhacdada.

“Wiil dhalinyaro ayuu ahaa, koox burcad ah ayaa moobeelkiisa ka qaadatay, isagiina kama harin wuu ka daba cararay oo mootadiisa ayuu ku ceyrsaday, tuugadii ayaana xabad isaga reebay wiilkaasi” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo Kalsantv la hadlay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay mid kamid ahaa ragii ka dambeeyay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Toogashada darawalada ka xeeya mooto Bajajka ayaa caadi ka noqotay mudooyinkii dambe magaalada Muqdisho.