Wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay guddi loo saaray shaqaaqadii Shalay ka dhacday degaanka kala bayr duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta sheegay in guddigan oo loo igmaday in uu ka warbixiyo, kana keena xog waafi ah wixii halkaasi ka dhacay iyo ciddii ku Lugta lahayd ama mas’uuliyadiisa qaada.

Wasiir ku xigeenka amniga Qaranka ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aysan ka qeyb qaadan Ciidamada kala duwan wax qalqal gelinaya nabad gelyada iyo in aysan gacan ka geysan wax dhibaato u keeni kara xasillooniga guud deegaanada maamulka Hirshabeelle.

Dagaal khasaare geystay ayaa Shalay ka dhacay deegaanka Kalabeyr, halkaasi uu ku dhintay Taliyihii qeybta Ciidanka Boliiska Gobolka Hiiraan Marxmuum Maxamed Macoow Xalane.