Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Sedax goosa iyo Amuuma.

Kolonyo katirsan ciidamada Kenya ayaa lala eegtay Qaraxaasi.

War kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayay ku sheegtay in qaraxa lala helay gaari dagaal nuuca loo yaqaan Kooyalka oo ay isticmaalaan ciidamada Booliska iyo Melleteriga dowladda Kenya.

“gabi ahaanba wuu burburay gaariga la qarxiyay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhamaan ciidamadii la socday” ayaa lagu yiri.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah keentay Sido kalana Xirtay, laba maalin ka hor Xuduuda lagu muran san yahay ama Xuduud beenaadka ay la wadaagto dhulkeena Soomaaliyeeed.