Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Xabsiga Baladweyne lagu xeray 6 xubnood ay saraakiil ku jiraan,kuwaas oo loo haysto dilkii maalmo ka hor duleedka magaaladaasi loogu geystay Taliyahii qeybta Police-ka maamulka Hirshabelle Maxamed Mocow.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad , Garyaqaan Amiin Daacad ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay raggan lasoo xeray loo haysto dilka Taliyhii Police-ka ,isagoona sheegay in Maxkamadda lasoo taagi doono oo cadaalada la marsiin doono.

Sido kale wuxuu sheegay Gudoomiy in Baaritaanadu ay wali socdaan islmarkaana cidkasto oo arrintan ka qeyb-qaadatay sharciga la hor keeni doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Xiisad ka dhalatay xilka qaadistii gudoomiyihii gobalka Hiiraan Yuusuf dabageed ayaa maalmahan ka taagneyd magaalada Baladweyne.