Banaanbax xoogan ayaa maalintii 3aad ka socda magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Boqolaal shacab ka careysan xilka qaadistii gudoomiyihii gobalka Yuusuf Hagar Dabageed ayaa wali iskugu soo bax ka dhigaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Baladweyne, kuwaa oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah madax maamulka Hirshabeelle.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii gobalka Hiiraan Dabageed, isagoo xilkaasi u magacaabay la taliyihiisii dhanka amniga.

Xika qaadista Gudoomiyihii gobalka Hiiraan Yuusuf dabageed ayaa timid kadib markii uu Shir’jaraaid uu qabtay eedeyn kulul ugu jeediyay Madaxweyne Waare iyo Agaasimaha madaxtooyada Hirshabeelle.

Dhanka kale Wafdi ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro oo heer Federaal ah ayaa maanta gaaray gobalka Hiiraan, kuwaa oo doonaya dajinta xiisada cakiran ee magaalada Baladweyne.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sido kale sheegaya in Xabsiga Baladweyne lagu xeray 6 xubnood ay saraakiil ku jiraan,kuwaas oo loo haysto dilkii maalmo ka hor duleedka magaaladaasi loogu geystay Taliyahii qeybta Police-ka maamulka Hirshabelle Maxamed Mocow.

Xaalada magaalada ayaa caawa waxaa sido kale lagu arkayaa ciidamo fara badan oo sugaya amaanka magaalada Baladweyne.

Wixii Kusoo Kordha Kala Soco Kalsantv.com