Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax khasaare geystay oo lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa maamulka Koofur galbeed ee ka howgala degmada Buurhakaba.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob ciidamo iyo shacab ku sugnaayeen oo ku taala Xaafada Wadajir degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Inta la Xaqiijiyay 5 ruux oo ciidamo iyo shacab isugu jiro ayaa ku dhaawacmay Qaraxa oo Jugtiisa laga wada maqlay Buurhakaba.

Maamulka degmada Buurhakaba ayaa wali dhankiisa wax war ah kasoo saarin Qaraxa ka dhacay degmadaasi.

Wali majirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxaasi.