Kooxo hubeysan ayaa degmada Buurhakaba ee gobalka Baay  ku dilay Nin oday ahaa oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Subagle.

Ciidamo katirsan kuwa maamulka gobalka ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay, kuwaa oo qaaday meydka Marxuumkaasi.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay Mukhtaar Subagle inuu ka mid ahaa Ergadii soo dooratay xildhibaanada dowladda Federaalka  ee laga soo doortay dhanka maamulka Koofur galbeed.

Wali maaamulka degmada kama hadlin Toogashadaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay jawiga uu yahay mid ka duwan sidii hore, waxaana buux dhaafiyay xarunta degmada iyo baraha koontarool ee magaalada ciidamo aad u fara badan.