Al shabaab ayaa war qoraal ah kasoo saaray howlgal ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dhulka Soomaalida ay hada dowladda Kenya maamusho.

War kasoo baxay Xarakada Al shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka islamarkaana ay soo qafaasheen ciidamo katirsan booliska Kenya.

“Howlgal qorshaysan oo Ciidamadeena ay ka fuliyeen deegaan hoos yimaad magaalada Wajeer ayay ugu suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaanka ayna soo qafaashaan ciidamo katirsan Booliska Kenya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al shabaab ayaa sido kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen laba Mooto iyo agabyo kale oo ay lahaayeen ciidamada Booliska Kenya.

Dhanka kale dowladda Kenya wali wax war ah kama soo bixin oo Xiriir la leh in ciidamo Kenyaan ah gacanta u galeen Al shabaab.

Dowladda Kenya ayaa maalmahii ugu dambeysay ka digeysay Weeraro Argagaxiso oo kaga imaan kara Jeyshu Ayman oo ah garabka Al shabaab ee ka howlgala gudaha dalka Kenya.