Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in Dagaal khasaare geystay uu halkaasi ku dhax maray Maleeshiyo beeleed.

Dagaalka ayaa ka dhacay Tuulada Bali wasaq oo u dhaw deegaanka Bali hawd ee gobolka Galgaduud Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa Kalsantv u Xaqiijiyay inuu dagaalkaasi salka ku hayo, Muran ka dhashay lahaan shiyaha dhul Barkado laga qodayay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali deegaanadaasi laga dareemayo Xiisad dagaal oo laga cabsi qabo, in mar kale uu dagaal dhax maro labadaasi Maleeshiyo beeleed ee Walaalaha ah.