Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in la dilay askari katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Galmudug.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dambeeyay Toogashada Marxuumkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Dhiif.

Goobjooge ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa Kalsantv Xaqiijiyay Toogashada Caawa ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Wali majirto cid sheegatay Masuuliyada dilkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la qaaday Meydka Askarigaasi, waxaana baxsaday ragii ka dambeeyay Toogashada.