Wararka ka imaanaya gudaha duleedka Gaalkacyo ayaa sheegaya in hal goob lagu dilay 10 ruux oo shacab ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan oo ka careysan dil isla caawa Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal katirsanaa ciidamada Nabad sugida Galmudug, ayaa dil wadareed ka fuliyay duleedka magaaladaasi.

inta la Xaqiijiay 10 ruux ayaa la dilay oo la sheegay in deegaan ahaan ay kasoo jeedaan deegaanada maamulka Koofur galbeed.

Meydadka dadkaasi lagu xasuuqay caawa Gaalkacyo ayaa la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada oo ku yaal dhanka Galmudug.

Maleeshiyaadka Xasuuqay rayidkaasi ayaa la sheegay iney ka gurbiyeen dadka ay dileen gudaha magaalada gaalkacyo, oo caawa sido kale lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Dhiif.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa ka dambeeyay Toogashada Marxuum Cali Dhiif oo katirsanaa Nabad Sugida Galmudug.

Wali Galmudug ama Puntland kama hadlin Shacabkaasi caawa lagu laayay Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Galmudug.