Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay Xasuuq xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay shacab kasoo jeeda K/galbeed.
War qoraal ah uu soo dhigay mid kamid ah baraha bulshada ku kulanto ayuu madaxweynaha ku cambaareeyay falkaasi arxan darada ahaa ee xalay dhacay.
“Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
dhanka kale mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaasi xalay lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo.
“Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Meydadka dadkaasi lagu xasuuqay Xalay magaalada Gaalkacyo ayaa yaala Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka maamulka Galmudug uu maamulo.