Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay Shacab xalay lagu xasuuqay magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug.
War qoraal u uu soo dhigay Bogga uu baraha bulashada ku leeyahay ayuu kaga hadlay dhacdada lagu laayay shacabkaasi kasoo jeeday deegaanada Koofur galbeed.
“Waxaan si xoog leh u canbaaraynayaa falka foosha xun ee argagexa leh ee xalay Gaalkacyo ka dhacay. Galmudug iyo deegaanka Gaalkacyo waa ku ceeb in dad rayad ah oo aan danbi lahayn, cid ay wax ka galabsadeenna jirin, noloshooda caadiga ahna si degan oo dabiici ah u watay, malo weliba haybsooc ah lagu laayo” ayuu yiri C/C.
C/raxmaan C/shakuur Warsame oo sii hadlayay ayaa sido kale sheegay.
“Dadkaasu waxay isku haleeyeen masuuliyida maamulka iyo dadnimada shacabka deegaanka, jawaabta ay maamulka iyo shacabku ka bixiyaan falkaas argagaxa iyo arxan darida leh ayaa laga arki doonaa in ay isku halayntoodu sax ahayd iyo in kale. Shacab iyo maamulba waa in falcelin isku mid ah laga sameeyo, meelna looga soo wada jeestaa, degdegna cadaalada loo horkeenaa kuwii falkaa arxan darida ah ku kacay” ayuu qoraalkiisa kusoo gaba gabeeyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Xasuuqa Xalay ka dhacay Gaalkacyo ayaa yimid kadib markii Kooxo ku hubeysan bastoolado ay dileen Marxuum Cali Dhiif oo katirsanaa Nabad Sugida Galmudug, wixii xiligaasi ka dambeeyay toogasho wadareeed ayaa 10 ruux loogu geystay Gaalkacyo.