Wararka ka imaanaya deegaanada Toora-toorow, Bariire iyo tuulooyin kale oo katirsan gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya inuu saakay halkaasi ka socdo howlgalo ka dhan ah Al shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa fulinaya ciidamada Xooga Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo Ajaanib ah oo saakay oo howlgalo ka wada deegaanadaasi oo qaarkood Al shabaab ay joogaan.
Mas’uul katirsan maamulka gobalka Shabeelaha hoose ayaa kalsantv u Xaqiijiyay inuu halkaasi ka socdo howlgal ka dhan ah Al shabaab oo la doonayo in lagu xureeyo deegaano Al shabaab ay maamulaan.
Qaar kamid ah deegaanada saakay howlgalka uu ka socdo ayaa waxaa ku sugan Al shabaab laga yaabo iney dagaal kala hortagaan ciidamada huwanta ah ee howlgalka saakay ka wada Sh/hoose.
Wixii Kusoo Kordha kala Soco Kalsantv