Wasaarada amniga maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in xabsiga la dhigi doono oo Maxkamad la hor geen doono, cid alaala cidii Visa la aan kusoo gasha deegaanada Maamulka gobaleedka Puntland.


Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ah Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Puntland ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha deegaanada maamulka Puntland.


“Puntland waxaa lagu soo geli-karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir Yuusuf Maxamed Ismaaciil.


Waa maamul gobaleedkii ugu horeeyay oo hoos yimaada dowladda dhaxe ee Soomaaliya, hadana Visa lagu gali doono deeegaanada uu maamulo.