Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaare geystay oo lagu qaaday xero ciidamad AMISOM ay ku leeyihiin duleedka Muqdisho.


Xubno la aaminsan yahay iney katirsan yihiin Al shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday Xero ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha biyaha oo duleedka kaga beegan magaalada Muqdisho.


Goobjooge la hadlay Kalsantv ayaa sheegay in weerar culus lagu qaaday Saldhig ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Nawaaxiga Arbacoow.


“Al shabaab ayaan u maleeyaa iney yihiin lakin ma hubo raga weerarka soo qaaday, walaal dagaalka mudo 1 saac ayuu socday ma garan karno ka dadka deegaan ahaan khasaaraha halkaasi ka dhashay” ayuu yiri


Sarkaal katirsan ciidamada Xooga ee ka howlgala gobalka Sh/hoose ayaa Warnaahinta la wadaagay in amisom iska caabisay Al shabaab, balse markii dambe madaafiic ay tuureen ciidamada Amisom ee la weeraray.


Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay Dagaalka iyo madaafiicda lagu tuuray goobaha looga shakisan yahay ciidamada Al shabaab.


Wali wax war ah kama soo bixin AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab