Saraakiisha ciidamada daraawiishta Puntland ayaa sheegay iney fashiliyeen miino lagu Isgoyska Gaaca ee bartamaha Suuqa Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Puntland.


Mid kamid ah Saraakiisha ayaa Warbaahinta la wadaagay iney ku guuleysteen soo saarista miinadaasi oo sheegay in lala damacsanaa in lagu qarxiyo ciidamada amaanka.


Dhanka kale Saraakiisha ayaa howlgalo ka sameeyay bartamaha suuqa oo laga baadi goobayay ragii ka dambeeyay miinada lagu aasay agagaarka suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.


Majirto ilaa hada cid lagu soo qab qabtay howlgaladaasi ka dhacay Boosaaso.