Wararka ka imaanaya qaar kamid ah deegaanada gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay halkaasi laga dareemayo qulqulka boqolaal ciidamo wata gadiidka dagaalka.


Boqolaal ciidamo wata gadiidka dagaalka ayaa la sheegay saakay iney kusoo wajahan yihiin magaalada dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.


Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Xaqiijiyay in ciidamadaasi ay kasoo baxeen magaalada Gaalkacyo, kuna wajahan yihiin magaalada Dhuusamareeb.


“Ciidamada Gaalkacyo ayey kasoo baxeen, hada cadaado waa ay soo dhaafeen, waxaa la filayaa saacado kadib iney soo gaaraan magaalada dhuusamareeeb” Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo wareysi siiyay Warbaahinta.


Sarkaal katirsan ciidamada Galmudug ayaa Warbaahinta la wadaagay in tiro ahaan ciidamadaasi ay wataan in ka badan 10 gaari oo kuwa dagaalka ah.


Sido kale Sarkaalka ayaa sheegay ciidamadaasi iney ku heyb yihiin ama taageersan yihiin madaxweyne Xaaf oo wajahaya cadaadis siyaasadeed oo aad u xoogan.


Dhanka kale saraakiisha ciidamada Ahlu suna ayaa diyaar garow xoogan u galay sidii ay kaga hor tagi lahayeen ciidamadaasi oo laga cabsi qabo iney qalqal ka abuuraan Dhuusamareeb


Xiisad siyaasadeed ayaa laga dareemayaa deegaanada Galmudug, taa oo ka dhalatay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay doorashooyinka maaamulka Galmudug.